The Women's - The Royal Women's Hospital Victoria

Somali

Ku soo dhowaada Isbitaalka Dumarka

Isbitaalka Royal Women's Hospital waa isbitaal weyn oo takhasus ah kaas oo ay ka go’an tahay wanaajinta caafimaadka dumarka leh da’ iyo dhaqan walba.
Boqol iyo kontinkii (150) sano oo la soo dhaafay, dumarku waxay hogaaminayeen u hadlida iyo xoojinta daryeelka caafimaadka dumarka. Waxaanu fahamnay muhiimada xoojinta noocyada aan ka koobanahay, baahida sii siyaadaysa, kala-horaynta, rajooyinka iyo waaya-aragnimada dumarkeena.
Sanad walba waxaanu daryeellaa dumar ka kala yimid 165 wadan kuwaas oo ku hadla 60 luqadood oo kala duwan isla markaana aaminsan 42 diimood oo kala duwan.


Mutarjumiinta iyo Isbitaalka Dumarka

Isbitaalka Dumarku wuxuu leeyahay waajibaad daryeel oo ku wajahan dumar ka kala yimid wadamo dhaqan iyo luqad ahaan kala duwan. Inay shaqaalaha la xiriiri karaan waa muhiim sidaas darteedna waxay helli karaan dhamaan adeegyada waxayna noqon karaan ka qaybgalayaal firfircoon xagga go’aanada ku saabsan daryeelka caafimaadka.
Isbitaalka dumarku wuxuu bixiyaa mutarjumiin joogta xarunta kuwaas oo daboolla in ka badan 60 luqadood. Waxayna ku takhasuseen erayada loo isticmaalo caafimaadka dumarka waxayna la qabsadeen arrimaha caafimaadka dumarka, mawduuca caafimaadka iyo sida rugaha caafimaadku u shaqeeyaan.


The Royal Women's Hospital

Locked Bag 300
Grattan St & Flemington Rd, Parkville VIC 3052
Adeegyada tarjumaha: (03) 8345 3054

 

 
Powered by Komodo CMS